Home Wararka Maanta Aqalka Sare oo ka doodaya arrinta DP World

Aqalka Sare oo ka doodaya arrinta DP World

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa maanta ka doodaya heshiisyada shirkadda DP World, xilli shalay Baarlamaanka Somaliya ay soo saareen go’aano kala duwan.

Ajendaha ayaa waxaa kale oo ku jira dhageysiga  Warbixinta Guddoonka Aqalka sare, Ka doodista weerarkii guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa ka dib markii shalay Golaha Shacabku xeer ka soo saaray heshiiska Berbera, Golaha Shacabku waxaa uu shirkadda DP World ka mamnuucay dalka, waxaa kale oo uu baabb’iyay heshiiska Berbera.

Xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ajandayaashan midka ugu muhiimsan ay tahay arrinta DP World, xubnaha Golahana ay ka soo saari doonaan go’aano kala duwan.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuuna leeyahay masuuliyad sharci-dejin.

 

 

SHARE