Home Wararka Maanta Ammaanka masaajidada Mareykanka oo la adkeeyay

Ammaanka masaajidada Mareykanka oo la adkeeyay

Masaajidada ku yaalla dalka Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connectinut dab la qabadsiiyay.

Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray oo ay dareemayaan xaalad cabsi ah.

Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay’addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habbeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda.

Ciidamada ammaanka qaarkood ayaa lagu arkayaa afaafka hore ee masaajidka, kuwaasi oo sugaya ammaanka, islamarkaana aad u feejigan.

Dadka Muslimiinta oo ay ku jiraan Somalida ayaa soo dhaweeyay tallaabada Booliska ay isaga xil saareen xaqiijinta ammaanka masaajidada inta lagu guda jiro waqtiga Salaada taraawiixda.

SHARE