Home Wararka Maanta Amisom & Xukuumadda oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab

Amisom & Xukuumadda oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab

Magaalada Muqdisho waxaa kulan gaar ah oo lagu jaan goynayo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ku yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Madax ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Fadhiga ayaa lagu go’aamiyay in ciidamada Dowladda iyo Amisom ay abaabulaan qorshe ciidan oo cusub oo lagu tagayo deegaanada ay ku sugan yihiin iyo in go’doonka laga qaado degmooyinka isku socodkooda ay joogsadeen.

Ambassador Francisco Madeira oo ah madaxa howlgalka Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga ay guulo muuqdo ka gaareen hawlgaladii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu xusay in Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in Al-Shabaab ay ka saaraan goobaha ay ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato mas’uuliyadda Sugidda amnigeeda, waxa aad aragteen sabiid oo ay Soomaalida qabteen, waxaa sidoo kale aragteen Bariire oo ay hadda hayaan ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo meelo kale oo la mid ah, si wadajir ah ayaan usii wadi doonaa, waxa aan u gacan gelin doonaa ciidamada Soomaalida hawlgalada qaarkood, Ciidanka Amisom waa ay u madax banaaneen doonaan, sidoo kale waxa aan u gacan gelinaynaa sidii ay u qaadi lahaayeen howlgalo ciidamada Soomaaliya.” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska ay wada galeen labada dhinac ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin fulintiisa.

Madaxda Amisom waxa uu ka dalbaday in ay lagu dhaqaaqo hawlgalka ay qorsheeyeen, si aan waqti kale ku bixin diyaargarow kale sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood iyo hogaanka Amisom ayaa dhammaadkii sanadkii tagay 2018-kii waxa ay ku dhawaqeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo la bilaabo horaanta sanadkaan 2019-ka.

SHARE