Home Wararka Maanta Amisom oo waqti dheeraad ah loogu daray

Amisom oo waqti dheeraad ah loogu daray

Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhin dheeraad ah u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee Amisom loo yaqaan.

Warbixinno ay soo diyaariyeen guddiyada nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika sidoo kalena xubno ku lahayd Qaramada Midoobey ayaa dhegeysigooda kaddib la isku raacay in Amisom loogu daro sanad dheeraad ah.

Muddada cusub ee Amisom oo hal sano ah, waxaa ay ka billaabaneysaa 27ka Bishan May, waxaana ay ku eeg tahay 27ka Bisha May 2020ka.

Qodobo badan oo laga so saaray warbixinta ayaa lagu bogaadiyay howlgalka Amisom, guulaha laga soo hooyay, habka qorshaha kala guurka iyo sida loo fulinayo bixitaanka Amisom ee Soomaaliya marka la gaaro 2021.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in si gaar ah loogu tacsiyeynayo Waddamada Ciidamada Milatariga iyo Booliska ku deeqay Soomaaliya kuwaas oo uu khasaare ka soo gaaray hawlgalkan oo Guddiga sheegay in guulo wax ku ool ah laga muujiyay.

Waxaa lagu soo dhaweeyay qabsashada Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay la wareegeen deegaanno ku kala yaalla Gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubbada hoose.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu dalbaday in la oggolaado fursadaha shaqaalaha rayidka ah ee Amisom si howlgalka qeybtiisa rayidka ah loo ballaariyo, waxaana lagu codsaday ansixinta qaadashada shaqaale cusub oo rayid ah.

SHARE