Home Wararka Maanta Amisom oo ciidamo Boolis ah u tababareysa Hirshabelle

Amisom oo ciidamo Boolis ah u tababareysa Hirshabelle

Amisom ayaa sheegtay in ay bilaabi doonaan tababar ay siinayaan ciidamo Boolis ah kuwaasi oo ka tirsan maamulka Hirshabelle, laguna tababari doono Magaalada Baledweyne.

War kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in tirada Booliska la tababari doono gaarayaan Kun, 600 ka mid ah ka imaanayaan B/weyne, halka 400 ka imaaan doonaan Jowhar.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu yiri “Waxaan sii wadi doonnaa taburacaado qalab dheeri ah iyo inaan cusbooneysiinno saldhiyada Booliiska si loo xaqoojiyo ulajeedka ciidanka Booliska Somaliyed.”

Amisom ayaa Booliska ay tababari doonto waxaa looga gol leeyahay sida la sheegay horumarinta xirfadda ciidamadan iyo sidoo kale badbaadinta shacabka Somaliyed.

Booqasho Laba cisho qaadatay, ahaydna kormeer qiimeyn ah ayaa saraakiil ka socotay Amisom waxay ku tageen magaalooyinka B/weyne iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa horay u sheegay in tababar wanaagsan la siin doono ciidamada Booliska Hirshabelle, si ay u noqdaan ciidan tayo leh.

Waa markii ugu horeysay oo Amisom Boolis ay u tababareyso Maamulka Hirshabelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee dalka laga dhiso.

SHARE