Home Wararka Maanta Al Shabaab oo xalay Madaafiic ku garaacay Deegaanka Sabiib

Al Shabaab oo xalay Madaafiic ku garaacay Deegaanka Sabiib

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose, tiro Hoobiyeyaal ah oo khasaare dhaliyay ayaa xalay waxaa lagu garaacay Deegaanka Sabiib oo ka tirsan Gobolkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa waxa ay sheegeen madafiicdan in tiro ahaan ay gaarayeen ilaa 6 xabo ayna ku dhaceen aagga xerada Sabiib.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan bartilmaameedkiisa uu ahaa fariisin ciidanka Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ku leeyihiin Deegaanka Sabiib.

Ururka Al Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa sheegay inay khasaare gaarsiiyeen ciidanka Dowladda, iyaga oo sidoo kale tilmaamay inay dagaal kooban la galeen ciidankii halkaasi ku sugnaa.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen madafiicdan inay soo rideen xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, waxayna saraakiishu ku goodiyeen inay qaadi doonaan talaabo ay kaga jawaabayaan weerarkaasi.

SHARE