Home Wararka Maanta Al Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Gedo

Al Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Gedo

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay dagaal la’aan la wareegeen degaanka Geedweyne oo dhaca duleedka degmada Dooloow ee ku dhaw xadka kala qeybiya dalalka Kenya iyo Somaliya.

War Al Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay gudaha ugaleen degaanka iyaga oo aanan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay la hadleen dadka degaanka.

Ciidankii ku sugnaa degaanka Geedweyne ayaa ka cararay halkaasi, kadib markii ay ka war heleen inay weerar ku soo yihiin dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al-Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha degaanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dadka degaanka ay soo wajahday cabsi ku aadan Shabaabka la wareegay degaanka inay dhibaateeyaan, oo lagu qabsado maxaad ula nooleydeen ciidamada dowladda.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland weli kama aanay hadlin la wareegitaanka Shabaab ee degaanka, balse waxaa socda abaabul ku aadan sidii Shabaab looga saaari lahaa Geedweyne.

SHARE