Home Wararka Maanta Al Shabaab oo sheegtay inay Dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif

Al Shabaab oo sheegtay inay Dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Ururka Al Shabaab ayaa ka dhacay Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa bilawday kadib markii Shabaab ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ayaa ka dhashay dagaalkan, maadaama la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Shabaab war ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen inay dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif, islamarkaana ay qabsadeen Sahnad Millatari.

Ilaa hadda ma jirto ilo wareedyo si sax ah u xaqiijinaya sheegashada Shabaab ee ku aadan la wareegitaanka Deegaanka.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa xaqiijiyay jiritaanka Dagaalka, balse faah faahin intaas dhaafsisan ma aysan bixin.

SHARE