Home Wararka Maanta Al Shabaab oo shaqaale samafal ka afduubtay Gobolka Gedo

Al Shabaab oo shaqaale samafal ka afduubtay Gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya rag hubaysan oo loo maleynaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa afduubtay Shaqaale u shaqeynayay Hay’ad Samafal.

Shaqaalahan oo laba ahaa, islamarkaana u shaqeynayay Hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay Deegaanka Geedweyne oo qiyaastii 30-KM dhanka qorax ka soo baxa kaga beegan Degmada Dooloow.

Labadan ruux ayaa u shaqeynayay Hay’ado Samafal, lamana oga halka lala aaday.

Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Somali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo, ayaa xaqiijiyay in shaqaalahan la qafaashay.

Waxaa adag in la helo ilo madax bannaan oo xaqiijin kara goobta loola dhaqaaqay xubnahaasi, mana jirto wax war ah oo Shabaabku ka soo saareen afduubka xubnahaasi.

27 December 2017 ayaa Shabaab waxay afduubteen saddex Shaqaale, kuwaasi oo u shaqeynayey hay’ad samafal oo maxali ah.

SHARE