Home Wararka Maanta Al Shabaab oo shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ka afduubtay Gobolka...

Al Shabaab oo shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ka afduubtay Gobolka Baay

Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gobolka Baay ay ka afduubteen shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas, kadib markii gaari ay la socdeen shaqaalahan ay ku weerareen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle.

Afduubkan oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Busleey oo 20-KM ujirta magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagula kacay Shan qof oo ka tirsan Bisha Cas, kuwaasi oo Saddex ka mid ah ay yihiin Dumar, halka Labada kalena ay yihiin Rag oo uu ku jiro Darawalkii kaxeynayay gaariga NOAH-da ee ay wateen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa waxa ay sheegeen shaqaalahan xilliga la afduubanayay ayaa inay ku socdeen degaan Awdiinle oo 30-KM ujira magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka fulin rabeen hawlo gargaar.

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa shaqaalaha ay afduubteen inay ula dhaqaaqeen deegaan lagu magacaabo Dalandoole oo isla Gobolka Baay ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay bilaabeen hawlgallo ay ku raadinayaan shaqaalahan gargaar ee Shabaabka ay ku afduubteen Gobolka Baay.

Madax ka tirsan Hay’adda Bisha Cas oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin shaqaalahan xaaladooda caafimaad iyo nololeed, faah faahin intaas ka badana ma aysan bixin.

Xoogaga Shabaab ayaa meelaha ay ka joogaan Koonfurta Somaliya ka mamnuucay shaqaalaha gargaarka ah ee arimaha Bini’aadinimada ka shaqeeya.

SHARE