Al Shabaab oo ka hadashay weerarkii Degmada Afgooye

Ururka Al Shabaab, ayaa guulo ka sheegtay weerarkii xooganaa ee hal habeen ka hor ay ku qaadeen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, weerarkaasoo saamayn wayn ku yeeshay Degmadaasi.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in maleeshiyadooda ay weeraro la beegsadeen fariisimo, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Wuxuu tilmaamay inay beegsadeen illaa afar goobood, oo uu ku kala sheegay Lafoole, Carbiska, gudaha Afgooye iyo Laanta Buuro.

Afhayeenka, ayaa hoosta ka xariiqay in weeraradaasi ay u dhaceen sidii ay ugu talla-galeen, isla-markaana uu weerarku xoogiisu ka dhacay Degmada Afgooye, markii uu sheegay in mintidiintu ay xoog ku galeen gudaha Degmadaasi.

Isagoo la hadlaayay Radio Al Andalus, ayuu ku faanay in weerarka Afgooye ay khasaaro buuran ugu gaysteen Ciidamada Dowladda, waxaa uu intaa ku daray inay ka qabsadeen laba ka mid ah gawaarida dagaalka, halka kuwo kalana ay weerarka kaga gubeen, sida uu yiri.

C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlaayay baahida keentay inay weeraraan Degmada Afgooye, ayuu ku macneeyay mid uun qayb ka ah weeraradii ugu dambeeyay, ee Shabaabku billihii la soo dhaafay ay ku qaadayeen Xeryaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Abuu Muscab kama aanu hadlin khasaaraha dagaal-yahanadooda ka soo gaaray weeraradaasi kala duwan, marka laga soo taggo waxyeelada uu sheegay inay ugu gaysteen Ciidamada Dowladda.

Abuu Muscab, ayaan sidoo kale soo hadalqaadin shan qof oo shacab ah oo guryahooda ay kala soo baxeen, kuna dileen Kawaanka Degmada Afgooye.


Nagala soo xiriir
dhacdo@gmail.com ama
dhacdo@hotmail.com