Home Wararka Maanta (AKHRISO) Golaha wakiilada Somaliland oo taageeray heshiiskii Dekeda Berbera

(AKHRISO) Golaha wakiilada Somaliland oo taageeray heshiiskii Dekeda Berbera

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi uu maanta ku yeeshay magaalada Hargeysa ku taageeray heshiiskii Saddex geesoodka Dekeda Berbera ee dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World.

Golaha Wakiilada ayaa cambaareeyay go’aankii Baarlamaanka Federalka Somaliya ku laaleen heshiiskii Dekeda Berbera, isla markaana ay dalka kaga mamnuuceen shirkadda DP World.

Sidoo kale waxaa uu Golaha Wakiilada farriin u direen Beesha Caalamka, iyagoo sheegay in dhaq dhaqaaqyada dowladda Federalka wado ay xasilooni darro ka abuuri karaan gobolka.

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Golaha Wakiilada Somaliland:-

SHARE