Home Wararka Maanta Ahlu Sunna oo yeelatay Baarlamaan ka kooban 65 Xubnood iyo Guddoomiye Baarlamaan

Ahlu Sunna oo yeelatay Baarlamaan ka kooban 65 Xubnood iyo Guddoomiye Baarlamaan

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa dhistay Baarlamaan cusub oo ka kooban 65 Xubnood oo laga soo kala xulay deeganada ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe.

Xafladii lagu daahfuraayay Baarlamaankaasi cusub, ayaa xalay waxa ay ka dhacday Xarunta Maamulka Ahlu Sunna ee Degmada Dhuusamareeb, iyadoo uu madashaasi goobjoog ahaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Baarlamaanka cusub oo 65 Xubnood ka kooban, ayaa la sheegay in isla xalay ay doorteen Guddoomiye Baarlamaan waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Saadaq Sheekh Yuusuf.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa kula dar daarmay Baarlamaanka cusub inay la yimaadaan shaqo hufnaan leh.

“Xildhibaanada sharafta leh ee halkaan ku kulansan, waa taariiq weyn kulankii ugu horeeyay ee uu qaadanaayo Baarlamaanka dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe, waxaan ku dar daarmayaa inay hagaan shacabkooda oo diinta ay ku hagaan, aad iyo aad ayaan u bogaadinaynaa, waxaan ku boorinaynaa inay kasbadaan shucuubta walaalaha ah ee Goboladan ku nool.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Doorashada xalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayuu sheekh Maxamed Shaakir ku tilmaamay inay aheyd mid cadaalad ah, maadaama aysan jirin doorasho dhaqaale lagu socodsiiyay oo ka dhacday Dhuusamareeb.

“Hadii ay jirtay Doorasho dhaqaale lagu socod siin jiray, hadii ay jirtay Doorasho la is gadanaayay, waa ka duwan tahy midaane oo waa xalaal.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaanan wax aqoonsi ah ka haysan dowladda Federalka Somaliya.

SHARE