Home Wararka Maanta Afhayeenka Wasaaradda amniga oo sheegay Shabaab inay u soo hanjabeen

Afhayeenka Wasaaradda amniga oo sheegay Shabaab inay u soo hanjabeen

Afhayeenka Wasaaradda amniga C/casiis Xildhibaan oo maanta Saxaafadda kula hadlay maqaayad ku taalo Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Al Shabaab ay u soo hanjabeen.

C/casiis Xildhibaan ayaa Suxufiyiinta u soo bandhigay cod uu ka duubay nin ka tirsan Al Shabaab, kaasi oo sheegaya hadalo hanjabaad ah oo afhayeenka ka dhan ah.

Ninka ka tirsan Al Shabaab ee hadalkiisa uu soo bandhigay C/casiis Xildhibaan ayaa hadaladii uu isticmaalaayay waxaa ka mid ahaa in Afhayeenka uu yahay nin la shaqeeyo gaalo, islamarkaana dilkiisa uu banaan yahay.

C/casiis Xildhibaan ayaa sababta codkaasi uu u soo bandhigay ku sheegay inay tahay in ganacsatada aysan u hoggaansamin amarada ka soo baxa Shabaab iyo hanjabaadahooda, isaga oo tusaale u soo qaatay inay u soo hanjabeen isaga oo aysan waxba ka qaadin.

“Aniga waa ay ii soo hanjabeen, hanjabaadooda kadib maxaa iska keey badalay amnigeyga waxba iska bedel, marka yaanan loo hogaansamin hanjabaadooda.” Ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Inkastoo biya dhaca hadalka Afhayeenka uu yahay in ganacsatada ay ka dhaga adeegaan amarada Al Shabaab, ayaa haddana afhayeenka Wasaaradda amniga uusan xisaabta ku darsan inuu wato ciidan illaalo ah, balse ganacsatada aysan laheyn ciidan illaaliya.

Al Shabaab ayaa ruux kasta oo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya u soo dira fariimo iyo hadalo kala duwan oo hanjabaad ah oo ay ugu sheegayaan inay bartilmaameedsanayaan.

SHARE