Home Wararka Maanta 40 ruux oo la sheegay inay ku waasheen Duqeynta Kenya ay ka...

40 ruux oo la sheegay inay ku waasheen Duqeynta Kenya ay ka gaysato Gedo

Sida uu sheegay Korneyl Aadan Maxamuud Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Somaliya, 40 ruux ayaa ku waalatay duqeynta diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan Koonfurta Somaliya, gaar ahaan deeganada Gobolka Gedo.

Aadan Rufle, ayaa sheegay 14-kii Bishan illaa 18-kii Bishan in ciidamada Kenya ay duqeyn la dhaceen deeganada Gariley iyo Daaru Salaam oo hoostagga Degmada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Dadkaan waashay ayuu sheegay inay ka naxeen jugta madaafiicda ay ridayaan diyaaradaha Kenya oo mar waliba bartilmaameedsada sida uu yiri goobaha rayidka ay joogaan ee Gobolka Gedo.

“Waxaan rabaa in aan kuu sheego illaa 40 qof oo waalan ayaa jirta labadii todobaad ee la soo dhaafay, sidii ay u jiifeen madaafiic inta lagu garaacay xaafadahooda waashay oo xir xiran oo si la yeelo la garan la’yahay, reero dhan oo xoolahii soo xareystay madfac ku habsaday oo baaba’ay ayaa jira.” Ayuu yiri Aadan Rufle.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inaysan jirin cid diyaaradaha Kenya kala xisaabtamaysa duqeymaha ay ka fuliyaan Gobolka Gedo oo ay ku beegsadaan goobaha shacabka ay joogaan.

Wuxuu tilmaamay in laga doonaayo dowladda dhexe ee Somaliya inay wax ka qabato dhibaatada lagu haayo dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa xilliyada ay duqeymaha ka gaystaan Gobolka Gedo, waxa ay Warbaahinta ka sheegaan inay beegsadeen Saldhigyo Shabaab ay ku leeyihiin Gobolkaasi.

SHARE